Roobab 48-dii saac ee ugu danbeysay ka socday Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhaliyey khasaare kala duwan.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan roobabkan ayaa waxaa ku geeriyooday 50 ruux oo isagu jira, Xoolo dhaqato iyo beeraleey, ku sugnaa degaanada uu roobku sida xooggan uga da’ayey
Daadadka uu sababay roobka ayaa sidoo kale la tagay, Xoolo fara badan oo u badan lo’ iyo ari, ay dhaqan jireen dadkaasi, waxaana la rumeysan yahay in khasaaruhu uu intaasi ka badan yahay.
Roobabkan iyo daadadka ka dhashay ayaa keenay barakac aad u ballaaran, waxaana guryahooda ka hayaamay sida lagu soo waramayo dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 500 oo qoys.
Roobkan khasaaraha dhaliyey ayaa yimid xilli gayiga Soomaalida ay ka jireen abaaro ba’an, waxaana gu’gan uu noqonayaa kii ugu roobka badnaa marka loo bar bar dhigo roobabkii da’ay 3-dii gu’ ee la soo dhaafay.