Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’y dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiyo, kuwaas oo sida la sheegayo galaaftay nolosha dad rayid ah.
Inta la shaaciyey waxaa roobabkii ka da’y dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday dad gaaraya 20 qof, kuwaas oo ay qaadeen daadadkii ka dhashay roobabka deyrta.
Waxaa sidoo kale roobabkan ka barakacay dad kor u dhaafay 12-kun oo ruux, oo ku sugnaa meelaha uu roobku sida xooggan uga da’y
Meelaha ugu daran ee uu roobku saameeyey ayaa waxaa ka mid ah gobolada uu maro webiga, kuwaas oo kala ah Shabeelle, Afdheer iyo gobolka Liibaan.
Madaxweyne Mustaf Cagjar oo booqday dadka ay roobabku saameeyeen ayaa tilmaamay in marxalad adag ay ka taagan tahay deegaanada uu roobku ka da’y.
Waxaa sidoo kale magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad-deegaanka Soomaalida ka qabsoomay kulan looga hadlayay sidii hay’adaha deeq-bixiyayaaysha ah ee ka hawlgala deegaanka ay door uga qaadan lahaayeen caawinta bulshada ay fataaduhu saameeyeen, islamarkaana ku barakacay roobka dayrta ee dhawaan ka da’ay deegaanka.