(Hortabin Media) – Khasaare baaxad leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo ka da’ay gobollada Gedo iyo Baay.
Ilaa iyo iminka inta la ogyahay waxaa roobabkaasi oo daadad watay ku geeriyootay labbo gabdhood oo walaalo ah kuwaas oo ku noolaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Gabdhahan oo shalay lagu aasay Ceelwaaq ayey biyuhu ugu tageen aqalkooda, waxaana gabi ahaanba bur buray guryihii ku yaallay xaafada ay ka dagnaayeen Ceelwaaq.
Waxaa sidoo kale jira khasaare xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Sida wararku sheegayaan waxaa adag isku socodka gudaha Baydhabo, sababo la xiriira biyaha oo buux dhaafiyey inta badan xaafadaha magaaladaasi.