Magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa xilligan la daalaa dhaceysa dhibaatooyin kala duwan oo ka soo gaaray fatahaadii uu sameeyey webiga Shabelle dhawaan.
Fatahaada ayaa geysatay khasaare isugu jira dhimasho, bur bur hantiyadeed, iyo barakac aad u xooggan, maaddaama ay kala goysay isku socodkii xaafadaha Buulo Burde.
Fatahaada ayaa bur bur xooggan gaarsiisay buundadii magaalada Buulo-burde, taas oo sidoo kale kal hore ay waxyeelo ka soo gaartay qarax ay ku xireen Al Shabaab.
Iminka xaaladda nololeed ee Buulo Burde ayaa aad u liidata, waxaana xaafadaha ku yaalla labada daan ee webiga looga tallaabaa doomo macmal ah, oo keeni kara khasaare hor leh, sababo la xiriira biyaha fatahaada oo aad u badan.
Gudaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde oo uu maro webiga Shabeelle, ayey dadkii ku noolaa wajahayaan xaaladdo adag, iyagoo ilaa iyo iminka aanan helin gurmad si rasmi ah uga jawaabaya waayaha ay qaabilayaan.
WQ: Ayaanle Qoyste