Waxaa kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka ka soconaya Magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Pubtland.
Sida ay xarumaha caafimaadka inoo xaqiijiyeen dhimashada ayaa ku dhaw 5 ruux halka dhaawacuna uu ka badan yahay 10 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah.
Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu intaasi ka kordho, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Xiisada maanta Puntland ka taagan ayaa ka dhalatay kulankii Barlamanka maamulkaas, oo lagu ansixiyey wax baddelka Dastuurka Puntland, taas oo ay ka soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaridka maamulkaas.
Dagaalka maanta ka socda Garoowe ayaa cabsi badan ku abuuray shacabka ku nool magaaladaasi, waxaana qaar badan oo ka mid ah ay ka barakaceen guryahoodii.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Garoowe waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena xiga.