Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo badanayey dhalinyarada lacagahooda dhigta, barnaamijka khamaarka ee 1xbet loo yaqaano, kuwaasoo doonaya in ay macaash ka sameeyaan barnaamijkaasi.
Barnaamijka 1xbet oo lagu saadaaliyo ciyaaraha ayaa hoos taga shirkada 1X Corp N.V. oo ah shirkad khamaar, taasoo la aas aasay sanadkii 2007-dii, kana diiwaan gashan Dalka Qubrus, waxana la shaaciyey in sanadkii 2019-kii ay kobac dhaqaale oo fara badan ka heysay barnaamijyada khamaarka ee ay ka shaqeyso
Shirkadda ayaa ah mid u taagan faa’iido iyo khasaare, iyadoo qofkii hal dollar dhigta ee saadaaliya natiijada ciyaaraha dhacaya siineysa lacag faa’iida ah, waxana macquul ah in halka dollar uu qofku ku helo wax ka badan $50 dollar, halka midka ku guul dareysta saadaalintana ay lacagtiisu u dhaceyso shirkada
Dhallinyarada Soomaalida ayaa Barnaamijka khamaarka ee ay shirkadan bixiso, si waali ah u isticmaala mudooyinkii ugu danbeeyey, waxana lacagaha ay heystaan ay dhigta Barnaamijkan, oo ay ku leeyihiin akoon ay lacagta ugu soo dhacdo, iyagoo saadaaliya ciyaaraha kubada cagta ee horyaalada kala duwan ee Caalamka iyo kuwa kubada koleyga ama teeniska.
Da’yartan Soomaalida qaarkood ayaa sheegaya in balwad ay u noqotay isticmaalka Barnaamijyada khamaarka, waxana yar faa’iidada ay ka helaan, iyadoo taa baddelkeedana kala kulma inta badan khasaare fara badan.
Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa Hortebin Media u sheegay, in tan iyo markii uu bilaabay isticmaalka barnaamijkan khamaarka ah ay ka baxday lacag ku dhaw $80 dollar, isagoo xusay inuu ka helay oo qura $30 dollar, taasoo sida uu sheegay ah lacagta ku dhiira galisay inuu sii wado sharadka uu dhiganayo barnaamijkan khamaarka ah.
Qaar ka tirsan culumada Soomaaliyeed oo aan la xiriirnay, si aan u oggaano waxa ay diinta ka qabto barnaamijyadan khamaarka ah ee ay aadka u isticmaalaan dhalinyarada, ayaa inoo sheegay in ay xaaraan tahay lacagaha laga faa’iido barnaamijyadaasi, waxana ay tilmaameen in ay isku danbi yihiin, qofka lacag ku khasaariya iyo kan ka faa’iidaba, waxana ay ugu baaqeen dhallinta in ay ka waantoobaan isticmaalka barnaamiyadaasi.
Shaqo la’aanta dalka ka jirta, iyo dhaqaalaha dhalinta soo gala oo kooban, ayaa dhallinyarada barnaamiyadan khamaarka ah uga dhigtay fursad ay ku sameyn karaan lacago, iyagoo inta yar ay heystaan dhiganaya barnaamijkan, waxana inta badan dhacda in ay ku waayaan qarashaadkii yaraa ee ay dhigteen halkii ay faa’iido ka sugayeen.