Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqyemo xoogan ka geystay meelo ka mid ah gobolka Gedo, waxaana duqeymahaasi ay dhaliyeen khasaare kala duwan.
Goobaha la duqeeyey badankood ayaa ka tirsanaa magaalada Ceelwaaq, waxaana deegaanada la duqeeyey lagu sheegay magacyadooda Khadiijo Xaaji iyo Faxfax-dhuun oo hoostaga Ceelwaaq.
Deegaanadaasi la duqeeyey waxaa ku sugnaa dad rayid ah, kuwaas oo ay waxyeelo baahsan ka soo gaartay duqeymaha, inkastoo weli aan tiro sugan la shaacin.
Dadka ku dhaqan Gedo ayaa sanadihi ugu danbeeyey cabasho xooggan ka ahaa duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka fulinayaan deegaanada gobolkaasi, kuwaas oo ay inta badan waxyeelo naf iyo maalba leh ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.