Soomaaliya Ciidamadeeda waxey diyaar garow ugu jiraay in ay si buuxda ula wareegaan amaanka dalkooda dabayaaqada sanadka 2024-ka oo ah marka ay cutubka ugu danbeeya ee ATMIS faarujinayaan Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay dhimista lagu sameynayo ATMIS,iyagoo muddo lix bilood oo ku eg December 2024 ugu daray joogitaankooda Soomaaliya.
Durba waxaa billawday dhimista lagu sameynayo ATMIS,kuwaa oo sida lagu wado 2 kun oo ka mid ah ay dhawaan baxayaan, iyagoo saldhigyo dhowr ahna maalmo ka hor ku wareejiyey ciidamada dowladda.
Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa ciidamo dhan 22 kun oo ka kala socda dalalka ay Soomaalya sohdinaha la leedahay
Dhamaadka howlgalka ATMIS, ayaa noqonaya mid ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay heystaan caqabado kala duwan, oo ay kow ka tahay saameynta amniga ee ay dalkan ku leeyihiin Al Shabaab, oo ah koox 15-kii sano ee ugu danbeysay dagaal kula jirtay dowladda. dhul badana gacanta ku heysa
Caqabada kale ee soo labeysa ayaa noqoneysa, kalsoonida lagu qabi karo ciidamada Soomaaliya in ay amaanka dalka la wareegaan, marka la eego tayadooda, daacanimada iyo qadiyadooda wadaninimo.
Madaxdii ugu horeysay ee arrintan walaaca ka muujiyey waxaa ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo shaki galiyey amaanka Soomaaliya ee gacanta loo galinayo ciidamada qalabka sida.
Inkastoo aan la heynin tiro sugan, haddana 10-kii sano ee ugu danbeysay waxaa kordhayey ciidamada ay dowladda qoraneyso, kuwaas oo ay tababarkooda ka caawinayeen dalalka taageera Soomaaliya.
ciidamadan oo ah kuwa aad u fara badan, waxey wajahayaan culeysyo kala duwan, oo diidi kara in masuuliyada la saaray ay ka soo dhalaalaan waxaana arrimahaasi qeyb ka ah,
1-Tababarada aqoon kororsiga ciidanka ee ay halaan oo yar ama aan jirin, waa mid koobeysa qibrada iyo waaya aragnimada ay ku maamuli karaan amniga dalkooda.
2-Sidoo kale cuno qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyo culeyska ay ciidanka Soomaaliya ku qabaan arrintaasi waxey soo gaabin kartaa in ay xajistaan saldhigyada furimaha ku yaalla ee lagu wareejinayo, maaddama aan ogsoonahay in Al Shabaab gacantooda uu ku jiro, hub casri ah oo ay xiliyo kala duwan ku furteen weeraradi ay ATMIS ku qaadeen.
3-arrinta kale ee in lala socda mudan, waa daruufta dhaqaalle ee hareysay ciidamada, kuwaas oo mushaaradka la siiyo uu aad uga hooseeyo kan ATMIS
Baahidaas dhaqaale oo aan la xalin, waa mid dhaawici karta dadaalada ku qotomada in amaanka dalka lagu haleeyo ciidamada xoogga dalka
Dhanka kale waxaa xaqiijin iyo hubin u baahan dhowr qodob , kuwaa oo laga taaban karo.
1-Saameynta ay ciidamadan ku leeyihiin sirdoonada dalalkii tababaray, oo ilaa maanta qaarkood bixiya mushaaraadkooda.
2-Waxaa muhiimad gaar ah leh in si qoto dheer loo milicsado qadiyadooda wadanimimo, iyo ka dhab ahaanshaha difaaca dowladnimada soo kabaneysa ee Soomaaliya.
3- Sidoo kale waa lama huraan in la xaqiijiyo in ay ka madax bannaan yihiin siyaasada dalka, oo ku dhisan nidaamka qabaliga, taas oo soo de dejin karta isku dhac dhexdooda ah, oo fashilisa yoolkooda sugida amniga dalka.
Dhamaan qodobadan kala duwan ee aan kor ku soo xusnay waa caaqabadaha loo taag hayo ee ka dhalan kara, amaanka dalka ee lagu wareejinayo ciidamada xoogga Soomaaliya.
ATMIS oo Soomaaliya soo gashay sanadkii 2007-dii waxey muddo dheer kaabeysay ciidamada Soomaaliya, oo daruufahan iyo kuwa badanba wajahayey, Waxaan bishii April ee sanadkii tagay uu golaha amaanka magacii howlgalkooda ee AMISOM uu ku baddelay ATMIS.
Maanta waa kuwo si buuxda u xaqiijinaya amaanka gobolo ka tirsan maamullada dalka, waxaana ka mid ah gobollada Baay Bakool, jubooyinka ilaa Gedo oo kaalinta amni ee ku tiirsan ATMIS ay adag tahay in la buuxiyo.
Indhweydba dalalka taageera Soomaaliya culeys weyn ayey ka muujinayeen dhaqaalaha uga baxo howlgalka ATMIS, balse tallaabadan gebogabada u ah howlgalkooda ee ay dowladda Soomaaliy horboodeyso waa arrin bidhaamineysa deg deg mustaqbalka ay ka dhalan karo culeys kale oo amni.
Si kastaba Soomaaliya waqti dhaw ama mid fog, waxaa qasab ku ahaaneysa hanashada amaanka dalkeeda, waxaase si ay taasi u suuragasho mudan in ahmiyad gaar ah ay siiso, dib habeyn ciidankeeda ah, oo isugu jirta hoggaankiisa, qalabkiisa, dhaqaalihiisa, niyadiisa, qadiyadiisa iyo qorshe howleedkiisa, oo haddii dhamidood xoogga la saaro keeni kara in helo ciidan dowladeed oo huwan sharaftii qaranimo, kuwaa oo lagu haleyn karo amniga dalkooda.