Adduunku sannadihii dambe waxa uu la taacalayey hannaan cusub oo kacdoon ah, oo ka faa’idaysanaya fursadaha kacaanka dhijitaalku wato, oo ka dhigaya mid ka duwan sidii hore loogu yaqaannay kacdoonnada. Faca koraya, ee lagu magacaabo Faca Z, ayaa hoggaamiyey dhaqdhaqaaqyo baraha bulshada kasoo abaabulmay bilawga, se ugu dambayn kacdoon fagaarayaasha la keeno noqda, oo ka dhacay meelo badan oo dunida ah. Laakiin, waxa la arkayaa in arrinkani aad ula falgalay dalalka Koonfurta Dunida, laga soo bilaabo Ameerikada Koonfureed, iyadoo lasii marayo Afrika, illaa laga gaadhayo dalalka Eeshiya. Si ka duwan kala qaybintii soojireenka ahayd ee dalalka (horumarsan/dib-u-dhacsan), arrinka waddamadani ka midaysanyihiin waa arrin dimuqaraafiyadeed, oo loo arko dhimbiisha hurinaysa kacdoonnadan, waxaanan ula jeednaa dhallinyarada hal-abuuray, ee dhaqaajinaya kacdoonka cusub, dalalkanina waxa ay wadaagaan gadoodka dhallinyarada xoogga ah.
Dhaqdhaqaaqyada qaabkan ahi waxa ay soo baxeen dhammaadkii sannadkii 2024, dalalku haba ku kala duwanaaadaan sababaha keenaya dibadbaxyada ee haddana arrinta salka u ahi waa diidmada siyaasad xukuumadeed oo jirta ama la ansixin rabo, siyaasaddaas oo judhaba dhallinyaradu ku qaadaadhigaan baraha bulshada, waxyar ka dibna baraha bulshada soo dhaafta, oo fagaarayaasha dibadbaxyada la keeno.
Kacdoonno qaaradaha ka gudbay
Kiiniya waa fagaarihii u horreeyey ee tusaalaha u noqday dibadbaxyada facan koraya “Faca Z”, kolkaas oo xagaagii hore dhallinyaro ka gadoodday baraha bulshada, iyagoo diiddan mashruuca xeerka maaliyadda, oo dhigayey kordhinta cashuurta. Judhiiba doodda iyo gadoodku waa ay soo dhaafeen dunida dhijitaalka ah, waxaana la isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Kiiniya. Gacan-ka-hadalku waxa uu noqday jawaabtii u horraysay ee xukuumaddu bixiso, kuna wajahdo muddaharaadayaasha, oo iyaguna go’aansaday in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka, ka dib markii dhawr qof ka dhinteen.
Kacdoonku waa uu guulaystay oo madaxweyne Ruuto ayaa ku qasbanaaday in uu ka laabto xeerkan, ka dib markii uu yaqiinsaday in tegitaankiisu noqonayo codsiga xiga ee dibadbaxayaasha, iyadoo kumanaan ka mid ahi ku adkaysanayeen in uu soo baxo, iyagoo luxaya caleemo qoyan, si ay astaan uga dhigaan mucaaradad nabdoon in ay ku wadaan nidaamka madaxweyne bilawgiisii xukunkiisa lagu naanaysay “madaxweynaha saboolka”.
Waxa isla kolkan isna hillaacay kacdoonka la mid ah kan oo facan kacaanka ahi ka bilaabeen Bangaaladhesh, iyagoo codsanaya in meesha laga saaro nidaamka xukuumadeed ee ah in boqolkiiba soddon shaqooyinka kooto loogu xidho qaraabada halgamayaashii hore, se ku talaxtagga xukuumadda ee jujuubka iyo cabudhinta (oo galaaftay in ka badan 300 qof), waxa kasii gadooday dhallinyaradii, oo codsigoodii kor u qaaday, oo gaadhsiiyey heer ah in nidaamka Sheekha Xasiina Waajid meesha banneeyo, iyadoo ugu dambayn ku qasbanaatay in ay iscasisho shantii Ogos 2024, una baxsato Hindiya.
Faca Z, internetka iyo baraha bulshada sida Faysbuug, X waxa ay u yihiin meel ay ku muujiyaan dareennadooda, sidoo kale waa u il dakhli kolkii ay dawladuhu ku guul darraysteen shaqo-abuur. Sidaas awgeed, in laga xayiro waxa ay ula macno tahay dabridda xorriyaddooda hadalka, iyo in laga saarayo dhufayskii u dambeeyey oo kala badh jiilkani ku kacaamay.
Taxanahan kacdoonnada dhallinyareed waxa uu gaadhay Laatin Ameerika, siiba Beeru oo bilawgii bisha Sibtambar cagaha la gashay kacdoonno shacab, ka dib markii xukuumaddu dib-u-habayn ku samaysay nidaamka hawlgabka ee dalka, oo waajibanaya in qofkii 18 jir ka weyni ku biiro sanduuqa gaarka ah ee hawlgabka, iyadoo dawladdu aanay dammaanad qaadi karin shaqo, heerka shaqo la’aantuna marayo boqolkiiba toddobaatan, sida xogo aan rasmi ahayn lagu xusay. Gacan-ka-hadal wax aan ahayn xukuumaddu kagamay jawaabin kacdoonka dhallinyarada, siiba kolkii ay u jihaysteen madaxtooyada iyo baarlamaanka oo badhtamaha caasimadda Liima ku yaalla.
Kacdoonkani waxa uu u gudbay dalal kale oo qaaraddaas ka mid ah, ka dib markii uu u tallaabay koonfurta qaaradda iyo dalka Burugwaay, oo ay ka dhaceen dibadbaxyo hal-ku-dhiggoodu yahay “boqolkiiba 99.9 baannu nahay, mana rabno musuqmaasuq”, bannaan baxyadaas oo lagaga soo horjeedo xisaabtan la’aanta, liidashada adeegyada guud iyo koobnaanta fursadaha shaqo ee dhallinyaradu helaan. Dibadbaxani waxa uu kusoo dhammaaday xidhxidhidda tobannaan dhallinyaro ah, iyadoo la hawlgaliyey askar ka badan saddex kun.
Markaynnu ku laabanno Eeshiya, facan kacaamay waxa a y Neebaal ka sameeyeen arrin la mid ah tii Bangaaladhesh, iyagoo ka gadooday go’aanka xukuumadda ee dhigayey mamnuucidda ku meelgaadhka ah ee baraha bulshada (Facebook, Instagram, YouTube, X…), iyadoo ku doodaysa in ay baalmareen xeerarka diwaangelinta, se dhallinyaradaasi u arkeen in la dabrayo xorriyaddooda hadalka, lagana saarayo dhufayskii u dambeeyey oo kala badh jiilkani ku kacaamay, sidoo kalena il dhaqaale u ah kuwo badan ka dib markii dawladdu ku fashilantay shaqo-abuur.
Mamnuuciddu waa shidaalka cadhada kiciyey, se judhiiba codsigu waxa uu isu beddelay mid ballaadhan, oo dhaliilaya u sedburinta carruurta haldoorku dhalaan, una xuubsiibtay beegsiga dhimeyaal xukuumaddeed iyo guryaha wasiirro iyo masuuliyiin xitaa beri hore xilka soo qabtay, oo uu ka mid yahay Sher Bahadur Deuba, si ay u muujiyaan cadhada ay u qabaan hormuudka siyaasadda ee dalka. Waa dibadbax ku khasbay Raysalwasaare Sharma Oli in uu sagaalkii Sibtambar iska casilo xilka.
Kacdoonnada dhallinyarada Afrika
Ka dib kacdoonka dhallinyaro ee Kiiniya ka dhacay laba jeer (2024 iyo 2025), faca kacaamay ee dalka Madagasgar waxa ay ku guulaysteen in ay kumannaan dhallinyaro ah ka abaabulaan internetka, iyagoo ka codsanaya in ay u muddaharaadaan helidda adeegyada aasaasiga ah, sida biyo iyo koronto, se gacan kulaylka xukuumadda iyo dhimashada dad gaadhaya 22 qof ayaa dabka kusii shiday kacdoonka, arrinkan oo sababay in madaxweynaha dalka, Andry Rajoelina, uu saddex cisho gudahood xukuumaddiisa ku kala diro.
Waxa uu noqday go’aan dibadbaxayaashu u arkeen in uu sii xoojinayo sharcinnimada codsiyadooda iyo in xukuumaddu si cad u qiratay guuldarradeeda, sidaas ayaanay dibadbaxayaashu uga gudbeen codsigoodii adeegyada aasaasiga ah, iyagoo kolkan diiradda saaray iscasilaadda madaxweynaha, waxaanay ku celceliyeen halkudhiggooda ah “Rajoelina ha tago”, arrinkan oo dhibaato siyaasadeed ka dhaliyey jasiirad lagu tiriyo dalalka dunida ugu saboolsan, oo boqolkiiba 75 dadka ku nool ee 32ka milyan ahi ka hooseeyaan xarriiqa saboolnimada u xadaysan.
“Lix maalmood ka dib oo cabudhin iyo isdhegoolayn ay xukuumaddu wadday, dhallinyarada Marooko waxa ay go’aansadeen in ay toos ugu gudbiyaan farriintooda boqorka Marooko iyaga oo u muujinaya sida ay xukuumaddu ugu guuldarrasatay ka jawaabista baaqyadooda.
Madaxweynaha dalka soo xukumayey saddex muddoxileed oo kala googo’an, si degdeg ah ayuu arrinkan uga hawlgalay. Khudbad uu ka jeediyey talafeeshanka, waxa uu siyaasiyiin aanu magacaabin ku dhaliilay in ay dibadbaxyada uga faa’idaysanayaan afgambi ay maagganyihiin, waxaanu shaaciyey in “aan cidina ka faa’idi karin dumidda dalka”, waxaanu ku adkaystay “waa i kan diyaarka u ah in aan wax dhegaysto, kaalmo bixiyo, samatabixinta dalkana ka qayb qaato”. [Ugu dambayn 14-kii Aktoobar ayaa madaxweynaha xilka laga qaaday, kolkaas oo ciidanku sheegeen in ay maamulka kala wareegeen].
Mid ka duwan jidka Magasgar, xukuumadda Marooko waxa ay doorbidday in ay iska dhagoolayso codka kumannaanka dhallinyarada ah ee isugu soo baxay magaalooyinka, waxaanay u kala baxday ciidanka nabadgalyada iyo dadkaas, oo kamaraduhu qabteen iyagoo jidhdil arxandarro ah u gaysanaya, Marookana shaashadaha dunidu indhaha kusoo jeediyeen, halka codsiyada dadka la laynayaa ahaayeen kuwo fudud: sida caafimaad, waxbarasho, la dagaallanka musuqa iyo dhabaynta badhaadhaha, arrimahan oo usoo jiiday in qofkii codsadaba jeelka la dhigo.
Kacdoonka Marooko waxa sabab u ahaa cadho ka kacday sida xukuumaddu ugu gacan furantahay diyaarinta garoonnada kubbadda ee lagu qabanayo koobka dunida ee 2030-ka iyo koobka qaramada Afrika ee dhammaadka sannadkan, iyadoo u qoondaysay shan bilyan oo doollar diyaarinta kaabayaashaas, iyo dhanka kale in ay ka gacan adaygayso arrimo sahlan oo la xidhiidha adeegyo aasaasi ah oo muwaaddinku xaq u leeyahay, heer cisbitaallada dalku noqdeen sida xabsi dadka lagu xareeyo uun, waana arrinka sababay in jiilkan oo boqolkiiba 26% dalka ka ahi ka kacaan.
Hadal lagu faafiyey magaca “Faca Z 212) oo lagu baahiyey barta Discord waxa lagu yidhi: “Waxa aannu doonaynaa dal ka dhexeeya dhammaan Marookaanka, dal ay leeyihiin dadka bukaanka ah, kuwa aan waxba baran, barlaawayaasha iyo saboolku, oo aan fagaare u ahayn siyaasiyiin caloosha buuxsaday. Waxa aannu rabnaa masuuliyiin u adeega bulshada, ee aan u adeegin danahooda gaarka ah”, bayaankan oo ay si cad ugu tilmaamayaan fadeexadda xukuumadda ay yeesheen ganacsatada Marooko, oo uu ugu horreeyo bilyanneerka Casiis Akhnuush.
Lix maalmood ka dib oo cabudhin iyo isdhegoolayn ay xukuumaddu wadday, dhallinyarada Marooko waxa ay go’aansadeen in ay dhabbaal furan oo toos ah u diraan boqorka, iyagoo ka dhigaya in aamuska xukuumaddu caddayn u yahay in ay ku fashilantay ka jawaabidda codsiyadooda. Kolkan, codsiyadooda bulsheed waxa ay kusoo kordhiyeen kuwo kale oo siyaaasadeed, oo ay ugu horrayso casilaadda xukuumadda ka gaabisay inay ka jawaabto codsiyadooda, ilaa udu dambayn wasiirradu usoo baxeen warbaahinta, se jawaabahoodu waxa ay sii huriyeen dabkii baxayey.
Faca kacaamaya iyo siyaasadda
Faca Z waxa uu jiddaynayaa jid cusub oo siyaasadeed, iyagoo shaacinaya inay ka fallaagoobeen dhaqamadii iyo haayadihii dawladeed ee soo jireenka ahaa ee awoodi waayey in ay soo dhawaystaan ama baahiyahooda ka jawaabaan. Laakiin, haddana waxa amakaag ah in diidmadooda xisbiyada siyaasadeed iyo haayadaha ay kalsoonidooda waayeen, aanay ka dhignayn in aanay muhiimad siinayn siyaasadda, ee waa jiil kasoo horjeeda haayadaha, weliba danayn la’aan aanay ka ahayn ee raadinaya waa cusub.
Faca Z waxa uu doorbidaa in uu ku dhaqmo xalaal iftiin baa la qashaa, halkii uu ku dhaqmi lahaa daaha-dabadiisa iyo gorgortan si ayna siyaasaddu u birayn kacdoonkooda.
Arrimahan sare waxa ay ka markhaati kacayaan in xukuumaddaha iyo nidaamyada dalalka kala duwan ka jiraa, siiba dalalka koonfurta dunida ee aan cagaha adag ku taagnayn, aanay si la mid ah jiilashii hore jiilkan ku xakameyn karin sharciyo kala duwan (haayado, aydhiyoolajiyad…) Jiilkan dhijitaalku waxa ay ku dedaalayaan in ay fekeraddooda iyo doodahooda dhijitaalka iyo baraha bulshada keenaan fagaarayaasha dhabta ah, iyagoo si fudud ula falgalaya dhacdooyinka, go’aannada fulintana ku qaadanaya, tusaale ahaan, go’aannadoodu waxa ay u ku salaysantahay codayn toos ah oo gilgilaysa fekraddii metelaadda dimuqraaddiyadeed.
Dadka qaar baa aaminsan in maqnaanshaha hoggaan ama nidaamin ay goljilic u tahay facan Z, oo jiritaan la’aanta cid hagta ama u hadlaa waxa ay sii adkaynaysaa gorgortanka, sida kooxdani aaminsanyihiin. Hase ahaatee, arrinku waxa uu u muuqdaaba in isla qodobkani wanaag dhinaca kale ugu yahay, oo uu albaab u yahay daahfurnaan, oo facani waxa uu doorbidaa in uu ku dhaqmo xalaal iftin baa la qashaa, halkii uu ku dhaqmi lahaa daaha-dabadiisa iyo gorgortan oo siyaasaddu birayn lahayd sharciyadda kacdoonka.
Si kasta oo ay ahaataba, waxa hubaal ah in faca Z oo isdiiddooyinkiisa wata uu kala wareeg u yahay siyaasaddii dunida. Tijaabadii koowaad Kiiniya ayay noqotay, se saamaynta dhabta ah ee tijaabadu waxa ay ka muuqataa Madagasgar iyo Neebaal, oo ay ku guulaysteen in nidaamyadii meesha laga saaro. Waa fac ku hubaysan qiyamka xorriyadda, caddaaladda iyo nolosha wanaagsan, iyadoo indhaha laga jeedinayo qofku halkuu kasoo jeedo ama dalkiisa.

