Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dhawaan la dilay Horjooge Khaliif Daa’uud, oo magaciisa afgarashadu ahaa macallin Ayman.
Ninkan ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday Jilib, taas oo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana kal hore uu Mareykanku madaxiisa dul dhigay lacag dhan 10 milyan oo dollar.
Kumuu ahaa Macallin Ayman
Macallin Ayman oo si weyn Al Shabaab looga yaqaanay, ayaa hore u ahaa Macallin Madarasa diinta lagu barto, taas oo ku taalla Mandheera.
Ninkan ayaa Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada Koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Kenya, wuxuuna saameyn weyn ku dhex lahaa hoggaanka kooxda, oo uu kaalin weyn ugu jiray.
Horjooge Khaliif Daa’uud, oo loo yaqaanay macallin Ayman ayaa ahaa aasaasihii kooxda Jaysh Ayman, kuwaas oo u badan dhallinyaro Kenyan ah, oo uu ku tashkiiliyey ka mid noqoshada Al Shabaab.
Abuu Ayman ayaa dhashay sanadkii 1973, wuxuuna sanadkii 2013-kii aas aasay kooxda kooxda Jaysh Ayman, taas oo weeraro joogto ah ka fulisa gudaha Kenya.
Ninkan ayaa door weyn ku lahaa sida la shaaciyey weerarkii bishii Janaayo 2020 ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta Kenya, kaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan Maraykanka iyo Kenya.