Maamulka Jubaland ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha dalka Soomaaliya looga saarayo ciidamada ATMIS, kuwaas oo la qorsheeyey in ay baxaan dabayaaqada 2024.
Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland, oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay ka dhalan karto dhibaato amni oo aad u ballaaran.
Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyey VOA, ayaa tilmaamay in bixitaanka ATMIS uu fursad u yahay Al Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay awoodoodu kordheyso.
Maxamuud Sayid, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliya aan waqtigan lagu haleyn karin amniga dalkooda, isagoo xusay in arrintaasi ay u baahan tahay waqti.
Hadalka Jubaland ayaa ku soo beegmaya, xilli Al Shabaab ay weerareen Saldhig ku yaalla Gedo, oo ka mid ah meelaha ay ka baxeen ATMIS ee lagu wareejiyey ciidamada dowladda.