Sida lagu go’aamiyey shirka gollaha wadatashiga qaranka, waxaa la dar dar galinayaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan Maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweynayaasha labada maamul ayaa heegan galiyey dhamaan saraakiisha iyo ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkaasi, kuwaas oo la filayo in ay dhaqaaqaan toddobaadyada soo socda.
Dowladda ayaa madaxda labadan maamul, gacanta u galisay dhaqaalihii iyo agabkii kale ee fududeyn lahaa in la billaabo wajiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dalalka dariska.
Sida qorshuhu yahay Jubaland ayaa lagu wadaa in ay ka bar bar dagaalamaan ciidamada Kenya, halka ciidamada Koonfur Galbeed ay garab ka helayaan ciidamada dalka Itoobiya ee fariisimaha ku leh deegaanada Koonfur Galbeed.
Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida aad ah ugu awood badan yihiin Al Shabaab, waana kuwa gacanta ku haya deegaanno badan oo ay labada maamul ka taliyaan, iyagoo halkaasi ka soo qaado weeraro noocyo kala duwan isugu jira, oo geysta khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.