Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey jadwalka loo sameeyey bajaajlayaasha, ee ah qolaba ay maalin shaqeyso, waxaana jadwalkani uu hoos u dhigay ciriirigii ka jiray wadooyinka Muqdisho.
Dadka Shacabka aya sidoo kale sheegaya in ay helaan fursad u ku gooyaan wadooyinka oo markii hore ku adkeyd, maaddaama Bajaajta magaalada ka shaqeysa ay aad u tiro badneyd.
Waxaa labadii casho ee la soo dhaafay yaraaday shilalkii gawaarida iyo mootooyinka ee ka dhici jiray Caasimada, kuwaas oo ay soo de dejin jireen saxmadii ka jirtay wadooyinka Muqdisho.
Bajaajlayaasha qaar ayaa jadwalkan aad u soo dhaweeyey, wallow ay jiraan tiro kale oo dhaliilsan in la koobo maalmihii ay shaqeynayeen.
Si kastaba, Waxaa jira lacago aan badneyn oo lagu kordhiyey dadka rakaabka ah, sababo la xiriira darawalada Bajaajta oo ku andacoonaya in la koobay maalmihii ay shaqeynayeen, taas oo keeneysa in iminka ay Bishii shaqeyaan 15 casho oo qura.