Taliska Nabad Ilaalinta ee ATMIS ayaa markii ugu horeysay jawaab cad ka bixiyey weerarkii ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Buulo Mareer.
Bayaan ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in laga daba tagay xubnihii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, kuwaas oo dib looga soo furtay hubkii iyo gaadiidkii ay xerada ka qaateen.
ATMIS ayaa sheegtay in ay u aargudeen ciidamada Yugandha ee lagu xasuuqay weerarkii Buulo Mareer, waxeyna hoosta ka xariiqeen inuu sii socon doono howlgalka nabad ilaalinta ee ay Soomaaliya u joogan ciidamada Midawga Afrika.
Madaxweynaha Yugaandha oo isna ka hadlay weerarkii Buulo Mareer, ayaa canaantay ciidamada dalkiisa ee Soomaaliya jooga, wuxuuna ku dhiira galiyey in ay howlgalka ka soo hoyaan guullo la taaban karo.
Mareykanka ayaa sidoo kale canbaareeyey weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Buulo Mareer, wuxuuna ciidamada ATMIS ku bogaadiyey in ay sii wadaan howlgalla naf hurnimada leh ee ku aaddan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.