Wasiirka difaaca Israel, Yisrael Katz, ayaa bartiisa X ku qoray in ay dileen afhayeenka “Afhayeenka Xamaas, Abu Obeida, waa la dilay”. Ma jirto jawaab degdeg ah oo ka soo baxday Xamaas ama guutada Qassam oo ku saabsan nolosha afhayeenka.
Taliyaha ciidamada Israel, Eyal Zamir, ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ee dibadda ku sugan la beegsan doono isagoo sidoo kale sheegay, “shalay waxaan beegsanay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas, , Abu Obeida… Howlgaladeena intaa kuma eka. Inta ka hartay hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku sugan dibadda waan gaari doonaa”.
Fariintii ugu dambeysay ee ka timaada Abu Obeida waxaa barta Telegram-ka laga baahiyay Jimcihii 29-kii bishan isagoo ugu hanjabay ciidamada Israel dhimasho iyo qabsasho.
Laga soo bilaabo 2006-dii oo aheyd markii ugu horeysay ee la arko Abu Obeida waxaa uu ahaa afhayeenka guutada Qassam. Balse wixii ka dambeeyay Oktoobar 2023-kii joogto ayaa loo arkayay.