Saraakiil Maraykan ayaa rumeysan inay Milliteriga Iran ay boqolaal Gantaalo iyo Diyaaradaha Droneska ku duqeeyeen gudaha Israel.
Sarkaal Sare oo Maraykan ah oo xalay la hadlay Telefishinka ABC News ayaa sheegay inuu u maleynayo in 400 ilaa 50 oo Diyaarado Daroonis iyo Gantaalo lala beegsaday Israel.
Waxa uu intaasi ku daray in Gantaalada iyo Darooniska ku wajahan gudaha Israel laga soo gamayo gudaha dalalka Iraq, Syria, Lubnaan iyo goobaha ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalka Yemen.
Sarkaalka Sare ee Maraykanka waxa kale oo uu tilmaamay in Maraakiibta Dagaalka Iran ay qeyb ka yihiin Duqeymaha ku hoobanayo gudaha Israel.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay Milliteriga Iran adeegsanayaan nooc la mid ah Diyaaradaha Darooniska ee ay Milliteriga Raashiyaanka u adeegsadaan Dagaalka ka socda dalka Ukraine.
Dhinaca kale , Wasiirka Difaaca ee dalka Iran, Mohammad Reza Ashtiani ayaa jeediyey Digniintaasi, isagoo xusay inay kaga Fal celin doonaan jawaab degdeg ah.
“Waddan kasta oo Israel u Fasaxa inay adeegsadaan Hawadooda ama dhulkooda si ay u soo weeraraan Jamhuuriyadda Islaamka Iran inay la kulmi doonaan Falcelin Cawaaqib xumo xambaarsan” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka Iran.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Milliteriga Iran ay Diyaaradaha Darooniska iyo Gantaalo ku duqeeyeen gudaha Israel.
Dhanka kale, Qoraal ay Ergada Dibloomaasiyiinta Iran u jooga QM soo dhigeen Barta X waxay ku difaaceen Diyaaradaha Droneska iyo Gantaalada ee lala beegsaday Israel.
Qoraalka waxaa lagu xusay in Tallaabadaasi Is-Difaac tahay, sida ku cad Qoddobka 51-aad ee Heshiiska Guud ee u degsan QM.