Dowladda Ingiriiska ayaa waqtigan qorsheyneysa in ay dalkeeda ka tarxiisho dadka magangalyo doonka ah ee sanadihii ugu danbeeyey gaaray dalka Ingiriiska.
Qorshahan waxaa ka wada arrinsaday Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, waxaana la rajeynayaa in dhawaan ay London ka baxaan duulimaadyadii ugu horeeyey ee dadkaasi lagu tarxiilayo.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ka hor inta dadkan la tarxiilin doonaya in la meel mariyo sharcigii jideyn lahaa in dadkan la masaafuriyo, iyadoo la geynayo dalka Rwanda ee bariga Afrika.
Dadkan ayaa u badan Afrikan magangalyo doon ah, kuwaas oo doomo yar yar ku soo galay Ingiriiska, balse waqtigan Uk ayaanan diyaar u ahayn in ay qaabisho qaxootigaasi.
Arrintan ayaa dharbaaxo xanuun leh ku noqoneysa kumanaan muhaajiriin magangalyo doon ah, oo sanadihii ugu danbeeyey gaaray dalka Ingiriiska, waxaana dadkan ay la kulmayaan niyad ballaaran, maddaama ay Uk u arkayeen meel wax ka baddeleysa noloshooda oo dhaantay halkii ay ka soo qaxeen.