Asxaabta Dimuqoraadiga ayaa Ilhaan Cumar ugu codeeyey in ay noqoto ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.
Guddigan oo ah midka ka masuulka ah dejinta heerarka kharashka guud ee Mareykanka, ayey Ilhaan cumar oo laga soo doorto Minnesota, horey uga ahayd xubin mudadii Congress-kii 116-aad ee dalkaasi.
Ilhan Cumar ayaa soo dhaweysay masuuliyada culus ee loo igmaday, waxeyna u mahadcelisay Asxaabta Dumuqoraadiga oo masuuliyada u igmaday.
Ilhaan ayaa tiri “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,”
Waxaa kale oo ay hadalkeeda ku dartay “Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.”
Xubnaha Jamhuuriga oo iminka ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa 2-dii bishii February, codkooda Ilhaan Cumar uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, waxeyna ku eedeyee in ay hadalo ka dhan ah dalka Israel.