Waxa la baadigoobayo Waa Caddaaladii oo af- yaxaas ku dhacday,, Muqdisho Shacabkeedu ma aysan naawileen in ay dharaarahan oo kale qaabili doonaan, waase arrin diiwaanka gashay muddo xileedka labaad ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddii aad horey u ogaydeen arday gurigii ay saakay iskuulka ka aadeen ku soo gurya noqday isagoo dhulka lala simay iyo hooyooyin, dhalaan iyo wayeel bacad jiifa, oo ay dowladdu si qasab ah dhulkooda uga barakicisay, meel ay aadaana heysan.
Maantana muuqaalkani waa mid kale oo isna hadhiino culus wata waa Aabbe 80 jir iyo hooyo xaamilo ah oo ay si xun ciidamadu u jirdilayaan, xilli dhibanayaashani la bur buryiyey guryahoodii . dhulkii ay deganaayeen dad dhaqaalle heysta laga iibiyey.
Dadka Qaar waxaa lagu kor bur burinayaa aqaladoodii, iyadoo waqti ku filan iyo awaamiir digniin ah aan horey loo siinin.
Gudaha Muqdisho Ciidamada Gabood-faladan geysanaya oo aad u hubeysan ayaa aroor walba ku jarmaada goobta qorshuhu yahay subaxaasi, iyagoo muwaadiniinta ay barakicinayaan u adeegsada hubka qaranka, waxaana halkaasi ka dhasha khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.
Sida ay Hortabin Media ka soo xigatay dadka sida dhaw arrintan ula socda,, ma jirto wax adeeg dowladeed ah oo goobaha dadkani laga barakicinayo lagu qabanayo, waxaana taa baddelkeeda loo gacan galiyey ganacsato howlo gaar ah ku qabsanaya, taas oo ka dhigan in si ku tala gal ah loo barakiciyey Muwaadiniin aanan mudneyn, oo aanan heysan gabaad iyo dhaqaalle ku filan oo ay guryo ku kireystaan.
Shacabkan oo haddii la kicinayo dib u dejin u baahnaa waxaa Dowladda Xasan Sheekh kala wacnaatay in ay dayacaasi ku sii deyso, oo ay waayaha iyo wakhtiga adag ku eegato, taas oo meesha ka saareysa masuuliyiidii dowladnimada iyo xuquuqdii muwaadinka.
Dowladdu waxey sidoo kale baal martay habraacyadii loo mari jiray marka dowladdu ay u baahato dhul ay degan yihin muwaadiniinteda.
Balse waxaa nasiib darro noqotay in Madaxda sare ee dalka oo raadinaya dhaqaalle in ay xaraashaan dhulkii danta guud, sida warshadihii, xarumihii waxbarashada, qabuuro muddo 30 sano meydad lagu aasayey iyo goobaha kale ee bulshada ahmiyada u lahaa.
Muqdisho oo horey u marti galisay Barakacayaal gobolada dalka uga soo hayaamay xaalado kala duwan, waxaa cadada dadkaasi maanta ka batay Muwaadiniinta ay dowladdu hoy la’aan baday.
Dhanka kale Siyaasiyiinta Mucaaridka oo isku dayey in ay dadkan jirdilka loo geystay saldhigyada ka soo damiintaan si xarumo caafimaad loo geeyo waxaa loogu jaawaabay rasaas nool nool waxaana la laayey istaafkoodii iyadoo ay dhimasho ka bad baadeen qaarkood, waxaana sida madasha samata bixintu ay sheegtay iminka socda abaabul ay dowladdu ku weerareyso siyaasiyinta ka rayiga duwan ee dhul boobka diidan, taas oo ah lala fajacay.
Si kastaba Muqdisho markaad joogto wax cusub ma ahan inaad maqasho erayo ay ka mid yihiin Xasan Xaraash iyo Barakacii Cagafta ee Xasan Sheekh, kuwaa oo noqday weedho diiwaanka galay muddo xileedka labaad ee Madaxweynaha haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah ilaa intee ayey shacabkan tabaaleysan raadinayaan caddaalad intee ayuuse gaari karaa xaraashka iyo boobka hantida dowladda ee xowliga ku socda?