James Swan ayaa shalay soo gaaray gudaha Muqdisho, xilli dhawaan si kumeel-gaar ah loogu soo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Xilka loo igmaday oo ku soo aaday waqti xasaasi ah, ayaa lagama maarmaan ka dhigeysa in Swan uu dhameystiro howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.
Swan ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay illaa 15-kii May 2022, waxaana magacaabistii waqtigan ay ku soo aadday xilli dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM.
James Swan ayey iminka horyaallaan howlo aad u culus, kuwaas oo ah tijaabo adag oo uu marayo, waxaana arrimaha ugu horeeya ka mid ah xasilinta siyaasadda Madaxtooyada iyo Mucaaridka oo sii xumaaneysa.
Waxaa kale oo looga fadhiyaa inuu ahmiyad gaar ah siiyo, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo uu iminka xiriirkoodu caga badan ku taagneyn.
Arrinta ugu xasaasisan ayaa noqoneysa khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Puntland, kuwaas oo aanan ka qeyb galin shirarkii ugu danbeeyey ee Golaha wadatashiga, isla markaana qaadacay hannaankii doorasho ee lagu heshiiyey.
James Swan ayaa laga filayaa inuu howlahaasi guda galo, isla markaana uu guullo ka soo hoyo, si dalka uu u gaaro doorasho wada oggol ah, oo aan yeelan wax khilaaf ah.