Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si gaar ah Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa shalay ila Xalay waday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, oo ay dowladda Soomaaliya dagaal adag kula jirto.
Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamadu uga fuliyeen deegaano ay ku dhuumalaysanayeen Khawaarijta, halkaas oo ay ku dhibaaten jireen Shacabka Soomaaliyeed.
Degaanada Howlgaladaan gaarka ah laga fuliyey ayaa kala ahaa Labaatan jirow, Garas dheere iyo tuuloyin kale kuwaas oo isku xira Gobolada Baay iyo Bakool.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/le Maxamed Nuur Mad- Dheere oo ay qeyb ka ahaayen Saraakisha Taliska Guutada 8-aad iyo Masuuliyiin kale, dhamaan deegannada howlgalada laga sameeyey waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada xoogga Dalka.