Deegaanno ka tirsan kuwo uu ka arrimiyo maamulka Jubaland waxaa toddobaadkan ka billawday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.
Howlgaladan ayaa si gaar ah uga billawday gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Jamaame iyo deegaanada hoostaga, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al Shabaab.
Inta uu howlgalkan socday ayaa lagu bur buriyey saldhigyo fara badan oo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen, waxaana howlgalka qeyb ka geystay diyaaradaha ay leeyihin saaxiibada Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu dilay rag ajaanib ah oo ka tirsana Al Shabaab, iyadoo lagu soo qabtay dagaalyahano badan, kuwaas oo qaarkood loo soo bandhigay warbaahinta.
Howlgalkan ayaa noqonaya tallaabo hore loo qaaday, waxaana la filayaa in howlgalkan uu sii socdo sida aan ka soo xiganay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwo Jubaland ee ku sugan Jubada Hoose.