Ciidanka Xoogga dalka Gaar ahaan Guutada 19-aad ee Gumac Iyo Ciidanka degaanka oo iskaashanaya ayaa Howlgallo ay ka sameyeeyay degaanada Daaru-Nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelada Dhexe .
Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay Alshabaab geliyeen deeganadaasi, waxaana howlgalkan qeyb ka ahaa ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Maalmihii la soo dhaafay degaanada ku yaalla xadka gobollada Shabeelada Dhexe iyo Galgaduud waxaa ka socday Hawlgallo looga hortagayo weerarada Alshabaab halkaas ay ka geystaan.
Dagaalka lagula jiro ee Al Shabaab ee uu ku baaqay Madaxweynaha, ayaa daba dheeraaday, inkastoo kooxda laga saaray deegaanno badan, balse taasi ma xakameyn weerarada ay soo qaadayaan.