Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo garab ka helaayey xooggaga Macawiisleyda ayaa howlgal culus ka wada deegaano dhaca koofurta gobolka Mudug halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan Al Shabaab.
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ujeedkiisu uu yahay sidii khawaarijta looga saari lahaa dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanka Jeex Jeexa iyo Magaalada Camaara Ee gobolka Mudug.
Al Shabaab ayaa si xoogan ugu dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee gobolka Mudug, waxaana howlgalkan kaalin lixaad leh ka qaadanaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.
Howlgaladii ka socday gudaha Galmudug ayaa hoos u dhacay mudooyinkii ugu danbeeyey, taas oo fursad u noqotay Al Shabaab.