Howlgalo aad u ballaaran ayaa maalmihii ugu danbeeyey ka socday maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waana kuwo ka dhan ah Al Shabaab.
Ciidamada ku sugan maamuladaas ayaa qabsaday fariisimo kala duwan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxda Al Shabaab, oo halkaas weeraro ka soo qaadi jiray.
Saraakiisha howlgaladan hor boodeysa ayaa sheegay inuu yahay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxeyna sheegeen in ay u taagan yihiin sidii ay kooxdaasi u cirib-tiri lahaayeen.
Maamuladda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al Shabaab, waxaana deegaanada maamuladaas ay ka geystaan weeraro kala duwan, kuwaas oo ay ka dhashaan khasaare baaxad leh.