Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxdii Al Shabaab ee halkaasi ku sugneyd, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.
Howlgalkan ayaa lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose, kaas oo aan magaciisa ilaa iyo iminka la shaacin.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay nolosha ku qabteen xubno Al Shabaab ah, waxaana ay intaasi ku dareen in ay ku raad joogaan firxadka kuwii baxsaday.