(Hortabin Media) –Maamulka Gobolka Banaadir oo ka arrimiya 17 degmo ayaa waxaa waqtigan horyaalla howlo muhiim ah, oo la xiriira waajibaadyadii loo igmaday.
Maamulka Gobolka ayaa lagu sugayaa xalinta cabashada ka soo yeereysa darawalada gaadiidka, kuwaas oo ka cabanaya waddo xumo heysata.
Waxaa Maamulka laga filayaa inuu dhismo iyo dayactir ku sameeyo wadooyinka ay cabashadu ka soo yeereyso, waxaana durba billawday tallaabooyin lagu hagaajinayo wadooyinkaasi.
Waxaa sidoo kale maamulka gobolka laga filayaa inuu dib u dejin u sameeyo barakacayaasha ku dayacan duleedka magaalada Muqdisho.
Barakacayaashan oo aad u fara badan ayaa wajahayo daruufo adag, waxaana masuuliyadooda ay saaran tahay maamulka gobolka Banaadir oo ay ku hoos nool yihiin.