(Hortabin Media) – Kalfadhiga 4-aad ee Barlamanka Soomaaliya oo shalay furmay, ayaa waxaa horyaalla xubnaha Barlamanka howlo culus, kuwaas oo la doonayo in laga lib keeno.
Howlaha ugu culus ee kalfadhigan 4-aad horyaalla ayaa waxaa ka mid ah dhameystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo Barlamanadii dalka soo maray ay ku guuldareysteen dhameystirkiisa.
Dastuurka Soomaaliya oo inta badan sabab u ah khilaafaadka soo kala dhex gala madaxda sare ee dalka iyo hay’adaha dowladda, ayey dhameystirkiisu noqon doontaa howsha ugu culus ee hortaalla xubnaha Barlamanka, inta lagu guda jiro Kalfadhigan 4-aad.
Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, kaas oo sida rumeysan yahay laga yeelan doono dooddo kala duwan, maaddaama si aad ah loogu kala aragti duwan yahay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shalay khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 4-aad ayaa ka codsaday xildhibaannada in ay dhammeystiraan dastuurka ku-meel-gaarka ah oo u sheegay in uu caqabad ku yahay Soomaalida iyo qaabka ay dunidu ula macaamilayso dowladda Soomaaliya.
Dhameystirka Dastuurka ayaa ku hirgali karo heshiis wada oggol ah, oo laga helo dhamaan maamullada dalka, iyadoo la ogsoon yahay in Puntland ay ka soo horjeedo, go’aanadii cuslaa ee kal hore ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran.