Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigtay horjoogayaal ka tirsan Kooxda Al Shabaab, kuwaas oo sanado badan ku jiray Kooxdaasi.
Horjoogayaasha la soo qabtay oo tiradoodu gaareyso seddex, ayaa laga soo qabtay Degaanka Ceel-Caduur oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Maamulka Galmudug.
Howlgalka lagu soo qabtay ragan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Dowladda oo garab ka helay xooggaga degaanka ee loo yaqaan macawiisleyda.
Qoraal ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in raggan lagu daba jiray, isla markaana ay ku dhuumaaleysanayeen degaanka Ceel-caduur, waxaana la xusay in caddaalad la horkeeni doono.
Raggan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow, waana kuwa Al Shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha ay ka qaadaan dadka rayidka ah.
Soo qabashads raggan ayaa ku soo beegmeysa, xilli dhawaan la guda galay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo la filayo inuu dhawaan ka billawdo qeybo ka mid ah Gobollada dalka.