Saacadihii ugu danbeeyey waxaa ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka isku soo dhiibay rag horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab, kuwaas oo kooxda dhexdeeda saameyn ku lahaa.
Horjoogayaasha isi soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Ismaaciil Jimcaale Fiidow oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, kaas oo ka howgali jiray gobolka Galgaduud.
Ninkan ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana isi soo dhiibistiisa uu ku macneeyey qalka qal amni iyo cabsi fara badan oo ka dhalatay duqeymaha iyo howlgalada is bar bar socda ee ay wadaan ciidamada dowladda.
Waxaa kale oo ciidamada dowladda kuwooda ka howlgala Degmada Mesagawaa, isku soo dhiibay dhiibay Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid, kana tirsanaa muddo kooxda Al-Shabaab, kaas oo kooxda dhexdeeda aad looga yaqaanay.
Raggan ayaa ugu baaqay dagaalyahanada ka tirsan Al Shabaab in ay dowladda isku soo dhiibaan, waxaana isi soo dhiibidooda ay imaaneysa xilli ay ciidamada dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya ay kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan fariisimaha kooxda Al Shabaab iyo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.