Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee kalfadhiga shanaad oo ay soo xaadireen sideed iyo labaatan Sanatar.
Ajandaha kulanka maanta ka koobanaa saddex ajande oo kala ahaa: Akhrinta kowaad ee Hindise sharciyeedka tacliinta Sare, Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha soomaaliyeed iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
Marka hore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faah faahiyay hindise sharciyeedka tacliinta Sare iyo muhiimaddiisa, isagoo xusay in sharcigaani haddii uu dhaqan galo oo ay labada gole ka gutaan waajibaadkooda uu meesha ka saari doono waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa bahda waxbarashada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa dhankeeda Sanatarrada la wadaagtay akhrinta labaad ee sharciyada hay’adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaannada Beeraha iyo sharciga xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed oo ay ka soo guteen waajibaadkoodii shaqo.
Akhrinta labaad ee sharcigaan ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana intaas kadib Sanatarradu gudagaleen doodda aragtiyada ay ka qabaan labadaas sharci,iyaga oo soo bandhiga talooyiinkooda ku aaddan labadaas sharci.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa ku booriyay Sanatarrada Aqalka Sare, doodda iyo aragtida ay soo bandhigeen, isaga oo faray xubnaha Guddiga Khayraadka in ay soo qaabeyaan aragtida Sanatarradu ay dhiibteen, soona diyaariyaan akhrinta saddexaad ee labadaas sharci.