Wasiirada Maaliyadda, Beeraha, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha ee XFS oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Soomaaliya ee Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD).
Kulankaan ayaa waxa lagu gorfeeyay heshiis lagu maalgelinayo horumarinta beeraha Soomaaliya, kaas oo uu maalgalinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee magaciisa loo soo gaabiyo IFAD.
Kulanka kadib Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiiska mashruuca maalgalinta horumarineed ee Beeraha Soomaaliya kaas oo taageeridoona wax soo saarka Beeraha Dalka, oo hadii ay helaan maalgalin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga Dowladda.
Beeraha ayaa ka mid ah kheyraadka ay leedahay Soomaaliya, kuwaas oo waqtigan sidii la rabay aan looga faa’iideysan, waxaana lagu rajo weyn yahay in qorshahan uu noqdo mid mira dhala.