Waxa kordhaya kaluumeysiga sharci darrada ah, iyo haamaha sumeysan ee la dhigayo xeebaha Soomaaliya, mana jirto cid u taagan wax ka qabashada dhibaatada lagu hayo biyaha Dalka.
ku balameen in ay haraadiga warshadaha ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya, waxanna xaqiqda eedeyntaasi ay soo baxday 2004-tii markaasoo xeebaha Soomaaliya lagu arkay qashinka haamahaasi oo soo caariyey kadib duufaantii sunaamida ee dhacday bishii December Sanadkii 2004.
Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Axmed Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyey, haamahaasi soo caariyey iyo kaluumeysiga sharci darrada ee isi soo taraya, ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshihii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinkaasi, isla markanaa ay diyaariyeen rag qubaro ah oo baaritaan ku sameeya waxyaabaha ku jira haamahaasi soo caariyey.
Si kastaba, dadka la socda arimaha Soomaaliya, ayaa ku talinaya in caqabadahan looga gudbi karo, helitaanka dowlad si buuxda u hanata quluubta shacabka, isla markaana fiira gaar ah u yeelata xuduudaha kala duwan ee dalka sida, dhulka, bada, iyo cirka, waana mid ifa-faalaheedu aanu muuqan oo qaadan kartaa sanado aad u badan.