Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey dagaal adag kula jirtay musuqa daashaday dalka, kaas oo cuuryaamiyey dowladnimada Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda dadka musuqa lagu soo eedeeyey ayaa dhamaantood ah rag masuuliyado kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo qaarkood la xiray halka kuwa kalana ay baxsadeen.
Haweenka oo xilal kooban ka haya dowladda, ayaanan ilaa iyo waqtigan lagu helin wax masuq ah, waana arrin horseedi karta in siyaasada ay saameyn ku yeeshaan.
Ururada Haweenka oo Muqdisho ku shiray, ayaa madaxda dalka ugu sareysa ka codsaday in lagu tixgeliyo daacadnimadooda, isla markaana wax laga siiyo talada dalka.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa in muddo ah guc-la orad ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen saamigooda siyaasadeed ee ah boqolkiiba Sodon, hase ahaatee taasi marna ma suura galin, xilli iyaguna aanay weli ka rajo dhigin hamiga siyaasadeed.