Waxaa dhawaan la ansixiyey wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya, oo afar cutub oo ka mid ah la meel-mariyey iyadoo doodda iyo cabashada ka dhalatay arrintaas ay weli taagan tahay.
Haweenka Soomaalida ayaa ka mid ah kuwo sida xooggan u cabanaya, waxaana soo jeedinayaan in dastuurka cusub lagu cadeeyo qoondadooda.
Haweenka ayaa sheegaya in ay doonayaan qoondadooda ku aaddan arrimaha ee siyaasada ee ah boqolkiiba soddon, taas oo iminka aan lagu cadeyn cutubyada dastuurka ee la meel mariyey.
Haweenka ayaa sheegaya in ay wal wal badan ka qabaan arrintan, isla markaana aysan ogayn halka ay ku danbeyn doonto matalaadoodii siyaasadeed, iyo nooca matalaad ee ay ku yeelan doonaan doorashooyinka dalka.
Qoondada haweenka ee siyaasadda ayaa markii hore ahayd mid ay caalamku ku riixayeen Soomaaliya, waana sababta keeneysa shakiga iyo cabsida ay muujinayaan dumarka u hanqal taagaya arrimaha siyaasadda.
Tan iyo markii qoondada boqolkiiba sodon loo qorsheeyey haweenka ma helin kuraas u dhiganta saamigooda siyaasadeed, waana tan kordhineysa walaaca ay muujinayaan, inkastoo markii ugu horeysay Soomaaliya ay gabar noqotay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka.