Hanti dhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaalle, ayaa tilmaamay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay qabteen howl aad u xooggan, isagoo xusay in baaritaano ay ku sameeyeen dhowr xafiis.
Wuxuu sheegay hanti dhowraha in wajiga koowaad ee baaritaanka ay soo gebagabeeyeen, wuxuuna tilmaamay in baaritaanka ay u sameeyeen qaab caddaalad ah oo aanay cidna ku xadgudbin.
Hanti dhowraha ayaa xusay in natiijada baaritaankooda ay la wadaageen, xafiiska xeer ilaalinta, oo isagu ku shaqo leh arrimahan.
Mudooyinkii ugu danbeeyey dowladda waxey dagaal ba’an kula jirtay musuqa, waxaana xabsiga u jiifa masuuliyiin fara badan.
Baaritaanada la xiriira musuqa, ayaa sidoo kale sababay in ay baxsadaan masuuliyiin dhowr ah kuwaas oo xilal ka soo qabtay dalka.