Khilaafka ba’an ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland, ayaa weli taagan halkiisii, ilaa iyo waqtigana dhinacyadu iskuma soo dhawaan.
Khilaafkooda wuxuu hoos u dhigay wada shaqeyntii ka dhaxeysay dowladda dhexe iyo Puntland, taas oo dibindaabyo ku ah howlaha dowlad dhisida Soomaaliya.
Sida xogaha ay Hor-tabin Media heleyso sheegayaan, waxaa toddobaadyada soo socda lagu wadaa in ay Muqdisho ka ambabaxaan wafdi u badan siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo la fariisanaya hoggaanka Puntland.
Masuuliyiintan ayaa ka shaqeynaya sidii ay labada dhinac isugu soo dhaweyn lahaayeen, waana arrin saamaxeysa in ay soo laabata wada shaqeyntii muhiimka ahayd ee ka dhaxeysay dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Dadka qaar ayaase sheegaya in ay adag tahay in Deni lagu qanciyo, xalinta khilaafka jira, sababo la xiriira tabasho badan oo uu ka qabo sida ay wax u socdaan.
Si Kastaba, waxaa indhaha lagu hayaa halka uu isugu biyo shuban doono khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo waqtigan in xal laga gaaro muhiimad ballaaran ku fadhiya