Waxaa shalay ilaa maanta dalka Turkiga ka socota doorashada madaxtinimada dalkaasi oo ay ku hardamayaan madaxweynaha talada haya Erdogan iyo musharaxa xisbiga mucaaridka Kemal Kilicdaroglu.
Natiijada doorashadii shalay dhacday ayaa dhinac u ridi weysay cida guusha leh kadib markii ay labada musharax iska daba dhawaadeen, Erdogan oo hoggaanka hayey ayaa helay 49.44% halka Kemal Kilicdaroglu uu helay 44.86%.
Arrinta ayaa ka dhigan in dib loogu noqonayo codeynta, taas oo lagu rajo weyn yahay in ay soo saari doonto natiijo ka duwan tii xalay.
Erdogan oo 20-kii sano ee ugu danbeysay soo xukumayey Turkiga ayaa wajahaya caddaadis adag oo uga imanaya musharaxa mucaarida Kemal Kilicdaroglu, kaas oo uu olalihiisa doorashada ahaa inuu wax ka qabanayo sicir bararka ka jira Turkiga.
Si kastaba, Taageerada Turkigu uu siiyo Soomaaliya, ayaa qasabtay in dadka Soomaaliyeed ay la socdaan doorashada dalkaasi, waana kuwo taageero weyn u haya Madaxweynaha iminka xafiiska joogo ee Erdogan.