(Hortabin Media) – Ilaa waqtigan waxaa socda hannaanka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo maraya xiligan heer gebo-gebo ah.
Waxaa toddobaadkan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo idlaaday kulankii ugu danbeeyey oo ahaa dib-u-geegistii 6-aad ee arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.
Kulankan oo muddo asbuuc ah socday ayaa lagu lafa guray dib-u-milicsiga horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, fursadaha dhaqaale ee mustaqbalka dhaw, caqabadaha jira.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey ee la xiriira arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo muddo dheer soo jiitamayey, waxaana dowladdu ay sameysay dadaalo keeni kara in laga wada saamaxo lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay.
Kulankan oo ahaa mid si qoto dheer la isugu xog wareystay ayaa waxaa ka qeyb galay hey’adaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qesheynta Qaranka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Cadaaladda, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Kulankan kama danbeysta ah waxaa sidoo kale ka qeyb galay oo madaasha fadhiyey Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka xafiisyadooda Soomaaliya qaabilsan, waxana kulanka uu ahaa kan ugu dambeeya ee Barnaamijka loo yaqaan (ECF) oo ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka.