(Hortabin Media) – Xeebaha maamulka Puntland waxaa weli ka taagan halistii burcad badeeda Soomaaliya, kuwaas oo sanado badan ku xoogganaa xeebaha maamulkaasi Puntland.
Burcad Badeed Soomaali ah ayaa todobaadkan gudihiisa afduubatay doon kalluumeysi, taas oo keentay in dib loogu baraarugo khatarta burcad badeeda ee ka taagan xeebaha Puntland.
Burcad badeedan ayaa afduubtay Doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay, taasoo masuul ay ka ahayeen ganacsato Soomaali ah.
Doontan oo ahayd mid kalluumeysi ayaa laga afduubtan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal, waxaana arrintan ay kordhisay cabsidii laga qabay burcad badeeda Soomaalida, oo sanadihii ugu danbeeyey sida la aamisan yahay ay halistooda hoos u dhacday.
Doonta ay afduubteen ayaa waxaa aarnaa shaqaale u dhashay Iran iyo nin Soomaali ah oo waardiye ka ahaa, waxaana burcad badeeda afduubatay sida la sheegay ay ku hubeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Halistan burcad badeeda, ayaa wal wal ku abuureysa maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee isticmaala xeebaha deegaanada Puntland, waana mid soo celin karta saameyntii ay burcad badeedu ku lahaayeen xeebaha dalka, halkaas oo ay ka fulin jireen weeraro ay ku beegsan jireen maraakiibta shisheeyaha.