Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan dhegeysi dadweyne (Public Hearing).
Kulanka oo uu daah-furay guddoomiye ku xigeenka guddiga Xil. Cadnaan Cilmi Boqore, ayna ka qeybgaleen xubno ka tirsan guddiga, Madaxda Xarunta Talobixinta Cilmi, Jamaacadaha dalka, Ganacsatada Beeraha & qeybaha kal duwan ee bulshada ayaa ku saabsanaa in Hindise Sharciyeedyada horyaala guddiga la marsiiyo dhegeysi dadweyne si Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan beeraladeyda oo ay sharciyadan quseeyaan ugu dhiibtaan fikradaha & talooyinka muhiimka ah oo ay ku biirin lahaayeen Hindise Sharciyeedyada si ugu dambeyn loo horgeeyo kulanka guud ee Golaha Shacabka.
Kulanka dhegeysiga dadweyne ee uu maanta guddiga daahfuray waxaa taabogelintiisa ka caawiyey “Xarunta Talobixinta Sharciyada iyo Adeegga Ganacsiga ee Cilmi”.