Daqiiqado ka hor ayaa Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Gollaha wadatashiga qaran, kaas oo 24-kii bishan Muqdisho uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dowlad goboleedyada, Hirshabelle, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo aanu ka qeyb galin shirka maamulka Puntland.
Warmurtiyeedka ka soo baxay dhinacyada ayaa lagu sheegay in gollahu uu heshiis taariikhi ah ka gaaray Hannaanka doorashada gaar ahaan, nooca doorashada, deegaan doorashada, nidaamka madaxtinimada, nidaamka xisbiyada, mideynta xiliga doorashooyinka, maamulka doorashooyinka iyo qodobo kale.
Gollaha ayaa isku raacay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhacda shantii sanaba mar, waxaana jiri doona hal goob doorasho iyo saami qeybsi doorasho loo dhan yahay.
Waxey sidoo kale dhinacyadu isku raaceen in la baabiyo jagada Ra’iisul Wasaaraha, lagana dhigo nidaam madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo ay si toos ah u dooranayaan shacabka, iyadoo muddo xileedka madaxweynuhu uu dhamaanayo sanadka 2026- bisha May.
Shirka ayaa lagu go’aamiyey in dalka uu yeesho labo xisbi siyaasadeed oo si dimuquraadi ah ugu tartami doono codka dadka.
Jadwalka doorashada mideysan ee gobollada oo ay ku jirto caasimada Muqdisho ayaa la qabanayaa 30-ka June ee sanadka 2024-ka, iyadoo qodobada kale ee la isku raacay ay ka mid yihiin qabsoomida doorashooyinka barlamanada gobollada iyo hoggaankooda, taas oo iyana dhaceysa 30-ka November ee sanadka 2024-ka
Gollaha wadatashiga qaran ayaa dhanka kale soo dhaweeyey guulaha laga gaaray, wajigii koowaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo xoogiisa ka dhacay Maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.
Sidoo kale gollaha ayaa bogaadiyey wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan gulufka looga soo horjeedo kooxdaasi.
Warmurtiyeedka Gollaha wadatashiga ayaa lagu xusay in ay muqadas tahay midnimada Dalka Soomaaliya, waxaana Somaliland iyo shacabka SSC loogu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgaliyaan xabad joojin, ku wajahan dagaalka ka socda duleedka Laascaanood.
Gollaha ayaa intii uu kulankooda socday bogaadiyey hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo sida lagu sheegay Warmurtiyeedka hadda maraya heer gebogabo ah, waxaana la isla gartay in dhameystirka hannankan inuu yahay mid leh mudnaan qaran.
Gollaha wadatashiga qaran ayaa ugu danbeyntii hay’adaha Samafalka ugu baaqay in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada dalka.
Heshiiskan ay gaareen gollaha wadatashiga, ayaa ku soo aaddaya, xilli aanu kulankoosa ka qeyb galin Maamulka Puntland, oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, lamana ogga mowqifka uu ka qaadan doono heshiiskan ay gaareen dhinacyada.