Kooxo hubeysan ayaa maanta bililiqeystay qaar ka mid ah gawaaridii safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan, xilli weli dalkaasi ay ka socdaan dagaallo culus.
Gawaarida la bililiqeystay ayaa ka mid ah hantidii taalay safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan, ilaa iyo iminkana si dhab ah looma ogga ujeedada ka danbeysay in gawaaridaasi la bililaqeysto.
Saacadihii ugu danbeeyey waxaa xoogeystay dagaalka ka socda dalka Sudan, kadib xabad joojin 24-saac ah oo idlaatay, waxaana kordhaya khasaaraha ka dhalanaya dagaalkaasi
Todobaadkan gudihiisa Sudan waxa ay ceyrisay ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalkaasi Volker Perthes, taas oo ay walaac ka muujiyeen beesha caalamka

