Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ayaa gargaar gaarsiiyey qoysas Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tabaaleysnaa xeryo ku yaalla degmada Afgooye Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gargaargan ayaa la siiyey qoysas tiradoodu gaareyso ilaa kun qoys, kuwaas oo xilliyo kala duwan ka soo barakacay gobollo ka mid ah gayiga Soomaaliya.
Gargaarkan oo isugu jiray noocyo kala duwan, ayaa waxaa ka mahadceliyey qoysaskii la siiyey, kuwaas oo wajahayey xaalad aad u adag.
Qoysaska Gargaarkan helay ayaa mudooyinkii ugu danbeysay muujinayey qeylo dhaan aad u fara badan, waxaana kaalmadan ay dabooleysaa qeyb ka mid ah baahidii ay ka cabanayeen.