(Hortabin Media) – Waxaa salaadii Jimce kadib Muqdisho lagu dilay ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Isaaq Garoow.
Ganacsadaha ayaa lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ka soo baxay salaadii jimcaha.
Ninka dilka gaystay, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska, kuwaas oo sheegay in caddaalada la horkeeni doono.
Waxaa maalmihii ugu danbeeyey kordhayey amni darada ka jirta Muqdisho, xilli Magaalada loo sameeyey ciidamo gaar ah oo amaankeeda suga.