Ra’iisul wasaare Xamse oo goor dhaw ku dhawaaqi doona golihiisa wasiirada. Illo ku dhaw dhaw xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in ra’iisul wasaaruhu uu soo gabagabeeyay la tashiyadii ugu dambeeyay ee dhismaha xukuumadiisa.
Qaab dhismeedka golaha wasiirada cusub ayaa la sheegayaa in uu ka duwanaan doono xukuumadihii hore iyadoo dhowr wasaaradood la isku daray.
Sidoo kale waxaa sii xoogeysanaya in xubno uu ka mid yahay Mukhtaar Rooboow uu golaha kasoo dhex muuqan doono. Tirada golaha wasiirada cusub ayaa loo badinayaa in ay i dhaxeyn doonto 18-25 wasiir.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media