Falastiin ayaa xubin buuxda ka noqoneysa Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, kadib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay si weyn u taageereen dalab ka yimid Falastiin oo ay xubinimadaasi ku codsaneysay.
Qaraarkii Golaha Guud ee QM ee Falastiin oo loogu oggolaaday xubinimadaasi ayaa waxaa codkooda dhiibtay 193-da xubin ee Golaha, waxaana u codeeyey Falastiin 143 dowladood, waxaana diiday 9 Dal oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Mareykanka, halka ay ka aamusee 25 xubnood, waxaana Qaraarkan uu Falastiin siinayaa aqoonsiga xubinimada buuxda ee QM.
Si ay Falastiin uga lib keento xubnimadan ayaa ku xiran in ay qaraar ku ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaase walaac noqoneysa diidmada Mareykanka ee yoolka Falastiin, maaddaama uu ka mid yahay dalalka leh codka awoodda qayaxan ee Veto-ga.
Qaraarkan ayaa Falastiin sii doona xuquuq iyo awood dheeraad ah, taas oo aanay horey u lahayn, waxeyna kursi ku yeelan doonaan hoolka Golaha Guud.