Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tagay magaalada Dhuusamareeb, si uu halkaasi uga sii abaabulo daagaalada looga soo horjeedo ururka Al Shabaab ee mudooyinkii ugu danbeeyey ka socday maamullada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana horey u jirtay in Madaxweynuhu halkaasi ay u ahayd saldhig uu ka hoggaamiyo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Haddaba socdaalka uu Madaxweynuhu mar kale ku tagay Dhuusamareeb, sidee loo arkaa maxeyse ka baddeli kartaa hannaankii ay u socdeen dagaaladu?
Abshir Cabdi Shiiqow, waa wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug, wuxuuna carabka ku dhuftay in tagitaanka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb uu dhiig cusub ku shubi doono gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab
Sidoo kale Axmed Daahir Shaafi, oo bartay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ayaa soo dhaweeyey safarka madaxweynaha ee dhuusamareeb, wuxuna dhanka kale xusay in xiligan la joogo waqtigii ay dagaaladu ka bilaami lahaayeen dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Inta badan waxaa soo noq noqda in deegaano badan oo laga saaray Al Shabaab ay mar kale dib ugu soo rogaal celiyaan iyadoo taasina ay ka dhalato khasaare dhimasho u badan oo soo gaara saraakiisha qaarkood, hadaba siyaabaha dhacdooyinkaasi looga baaqsan karo iyo tallaaboyinka loo baahan yahay in la qaado ayaa waxaa si kooban uga hadlay Korneyl Cabdulaahi Cali Macow oo ka mid ahaa saraakiishi hore ee Nabad Sugida Soomaaliya, kaas oo ku taliyey in la howl galiyo saraakiisha nabad sugida ee ku sugan furimaha hore.
ugu danbeyntii Axmed Cabdulahi oo ka mid ah siyaasiyiinta Galmudug ee sida dhaw ula socda gulufka ka dhanka Al Shabaab, ayaa aaminsan in dagaalka al shabaab lagu soo afjari karo in dhowr jiho laga weeraro ururka, si aanay isugu gurman.