Gabi ahaanba sida uu u muuqdo waxaa fashil ku soo idlaaday shirkii golaha wadatashiga toddobaadkan uga socday magaalada Muqdisho, waxana fashilka shirkan sida xogaha rasmiga ay sheegayaan sabab ah, diidmada Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee hannaanka doorashada ku saleysan qof iyo codka.
Axmed Madoobe ninka hoggaamiya Jubaland, ayaa si cad uga biyo diiday qorshihii Villa Soomaaliya ee ku wajahnaa doorashada, kaas oo haddii dhinac kale laga fiiriyana ah qorshe muddo kororsi u noqonaya Madaxtooyada, maddaama diyaarinta doorashada qof iyo codka ay waqti qaadaneyso, isla markaana ay saamaxeyso in wax ka badan 5 sano uu Xasan Sheekh kursiga ku nagaado.
Axmed Maxamed islaam ayaa si aan ganbasho lahayn u sheegay inuu qabsanayo doorasho dadban, oo ah tii hore loogu dhaqmi jiray waxaana adkaatay in lagu qanciyo hadafka Villa Soomaaliya, isagoo gabi ahaanba shalay isaga huleelay Muqdisho, kana dagay Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Maamulkiisa Jubaland.
Fashilka shirka golaha Wadatashiga hareeyey ee soo isfbaxay ayaa Xasan iyo Xamse ku qasbay in ay sameeyaan isku dey ay dabool ku saarayaan dulucda, waxaana xalay warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo sheegay in shirka golaha wadatashiga uu weli socdo, isla markaana dhinacyada ay ku maqan yihiin la tashiyo, taas oo ah mid xaqiiqda ka fog.
Qubarada sida dhaw ula socda arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa natiijo la’aanta shirka golaha wadatashiga, ku sababeynaya caddaadis ka imaanaya dowladda Imaaraadka, kuwaas oo muddo dheer ka mid ahaa daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya, Waxaana bilihii ugu danbeeyey Abu dubia ay Xasan Sheekh u arkeysay mid aan u dabacsaneyn oo u janjeera dowladda kale oo uu imaaraadku kula baratamo siyaasadda Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa soo isi soo taraya warqadaha ay soo saarayaan siyaasyiinta xil doonka ah iyo qaar dalka hore masuuliyado uga soo qabtay.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, RW hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si wadajir ah warsaxaafadeed usoo saaray ayaa iyaguna ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri karo jahwareer siyaasadeeed sida yiraahdeen
Sidoo kale Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa isaguna qoraal ka soo saaray is faham waaga shirka golaha wadatashiga, waxaana Xasan Sheekh uu usoo jeediyey inuu talada dhexda dhigo, lana fariisto dhamaan dhinacyada tabashada qaba oo ay Putland ka mid tahay.
Fahad Yaasiin ayaa si dadban u bidhaamiyey kaalinta Imaaraadka Carabta ee fashilka shirka golaha wadatashiga, isagoo qoraalkiisa ku sheegay ahmiyada ay leedahay in Xasan Sheekh uu la fariisto Imaaraadka, una sharxo daacadnimadiisa iyo inuu uga dhaw yahay dhinacyada kale ee ay is hayaan,
Inkastoo Qoraalka Fahad uu u muuqday mid xifaaltan siyaasadeed ah oo uu Xasan Sheekh ku durayey, haddana waa arrin jiritaankeeda aan la xaqiri karin, waxaana daliil ka dhigaya safarka uu Gudoomiyaha Barlamanka shalay ku aaday Imaaraadka, halkaas oo uu casuumad ka helay.
Geesta kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban jeediyey ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada dalkaan, una istaagaan hormarintiisa, isagoo ka digay in dib loogu laabto dhabihii hore.
Si Kastaba Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya mid ka mid ah dharbaaxooyinkii siyaasadeed ee ugu adkaa tan iyo dib u doorashadiisa, waxaana hore gacantiisa uga maqnaa maamulka Puntland, iyadoo iminkana ay garabkiisa baneysay Jubaland halka xiriir aan cago badan ku taagneyna uu kala dhaxeeyo Koonfur Galbeed, waana hal xiraale adag oo waqti badan qaadaneysa helida xalkeeda.