(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda ku lahaayeen galbeedka magaalada Baladweyne.
Dagaal saacado kooban socday ayey Al Shabaab ugu suura gashay in ay qabsadaan deegaanka Ceel Cadde oo dhaca galbeedka Beledwyene, kadib markii ay isaga baxeen Macawiisleydii halkaasi ku sugnayd.
Warkan waxaa warbaahinta madaxa bannaan u xaqiijiyey Taliye Maxamed Salaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan abaabul culus oo ay ku doonayaan in ay Al Shabaab dib uga saaraan fariisintoodii Ceel Cadde, wuxuuna ka gaabsaday khasaaraha dagaalka ka soo gaarya dhankooda.
Kooxda Al Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waday weeraro rogaal celis ah, oo ay dib ugu qabsanayaan goobihii laga saaray, waxeyna kal hore ku guuleysteen in ay dib u qabsadaan Ceel-buur oo ah magaalo istaraatiiji ah.